
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay maalgelinta mashaariicda adkaysiga iyo horumarinta bulshada, u diyaar-garowga ka hortagga fatahaadaha, hirgelinta waro iyo biyo-qabadyo waaweyn, dhisidda biyo-xireenno adag, qodista ceelal-biyood iyo adeegyo kale oo muhiim u ah nolosha.
Kulanka waxaa lagu falanqeeyay sidii Dowladda Shiinaha ay u xoojin lahayd gargaarka bani’aadamnimo iyo sidii Hay’adda SoDMA looga gacan siin lahaa dhisidda keydadka deeqaha, sare u qaadista karaanka iyo aqoonta shaqaalaha, iyo bixinta agabyo kale oo lagama maarmaan u ah howlaha gurmadka.
Emergency
Fo Emergency Services
In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123
Somali Police
442
National Emergency
567
Fire FightersDhacdooyinka soo socda
Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka
Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan
Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.
0 Comments