Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Xasan Bulaale ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan looga hadlay sidii la isaga kaasahan lahaa isku-duwidda howlaha gurmadka iyo taageerada ku wajahan degaannada ay saameeyeen dagaallada dalka looga xoreynayo argagaxisada.
Agaasimaha Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay isku-dubbaridka iyo isku-xirka howl-gallada gargaarka iyo hirgalinta baro caafimaad oo lagula tacaalo dhaawacyada, adeeg caafimaadna siiya dadka rayidka ah ee colaaduhu saameeyeen.
Shirka oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaa ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka, xubno ka socday Taliska Xogga Dalka, Wasirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah wakiillada Wasaarahada Gargaarka ee Dowlad goboleedyada.
0 Comments