Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa daah-furay Shirka Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka, kaas oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada maareynta musiibooyinka ee dalka.
Shirka waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha maareynta musiibooyinka, kuwaas oo ka wada hadlay hababka lagu horumarin karo u-diyaargarowga, ka hortagga iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha kale si loo helo nidaam hufan oo wax ku ool ah oo lagu maareeyo khataraha iyo musiibooyinka ka dhaca dalka.








0 Comments