Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Soomaaliya ee COP31 ka furay kulan heer sare ah oo looga hadlay diyaar-garowga El Niño 2026–2027 iyo yareynta khasaaraha ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha.
Kulanka oo ay iska kaashadeen Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxaa diiradda lagu saaray digniinaha hore, tallaabooyinka ka-hortagga musiibooyinka, maalgelinta diyaar-garowga, kaabayaasha u u adkaysta cimilada iyo ilaalinta nolosha bulshada ku dhaqan hareeraha webiyada Jubba iyo Shabeelle.
Guddoomiye Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in digniinaha hore loo beddelo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu badbaadinayo nolosha bulshada iyo hantida dalka, isaga oo sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud wuxuu uga mahadceliyay khubarada iyo dhammaan ka qaybgalayaasha dooddooda, isaga oo xaqiijiyay in Hay’adda SoDMA ay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo u-diyaargarowga iyo u adkeysiga bulshada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah khataraha cimilada.
#COP31 #SoDMA #ElNino2026 #Somalia
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha – Hay’adda SoDMA.
📞 Tel: +252 615194343
📧 Email: [email protected]
📘 Facebook: https://www.facebook.com/share/1KUkJJaGF9/
📸 Instagram: https://www.instagram.com/sodmasom?
🌐 Website: www.sodma.gov.so
🎵 TikTok: www.tiktok.com/@sodma_som
𝕏 Twitter (X): https://x.com/sodma_somalia?
💼 LinkedIn: https://www.linkedin.com/company/sodma-somalia/








0 Comments