Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa furay kalfadhigii labaad (Q2) ee Kulanka Saddex-bille ah ee Kooxda Farsamada Qaran ee U Diyaargarowga Musiibooyinka (NTWGAA), kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta awoodda hay’adaha iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta dhinacyada ku lugta leh u diyaargarowga iyo ka-hortagga khataraha musiibooyinka.
Kulanka oo uu ajandihiisa daadihinayay Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya maareynta khataraha musiibooyinka iyo arrimaha gargaarka bani’aadannimo.
Intii uu kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay horumarinta qorshayaasha ka-hortagga iyo u diyaargarowga musiibooyinka, xoojinta isku-duwidda hay’adaha ay khuseyso, iyo dardargelinta tallaabooyinka hore loo qaado si loo yareeyo saameynta ay khataraha iyo musiibooyinka soo noqnoqda ku yeeshaan bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah, qorsheyn ku saleysan xog sugan iyo saadaal cilmiyeed, si loo xoojiyo u diyaargarowga, loona hagaajiyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee ka dhasha musiibooyinka dalka ka dhaca.








0 Comments