JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐚𝐫.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Fu’aad.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimada, maareynta musiibooyinka, iyo horumarinta awoodaha hay’adaha ka shaqeeya samatabbixinta iyo gurmadka degdegga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa wafdiga Masar warbixin ka siiyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, caqabadaha jira iyo dadaallada socda ee wax looga qabanayo xaaladahaas, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyn, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika, Danjire Maxamed Kariim Fu’aad, oo uu kulanka ku weheliyay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax, ayaa xaqiijiyay in dowladda Masar ay sii wadi doonto taageerada iyo garab-istaagga ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo wax ka qabashada arrimaha bani’aadannimada iyo maareynta musiibooyinka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.