Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) oo kaashanaysa Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeysay kulan labo maalmood socday, kaas oo lagu ansixinayay natiijooyinka Gender Audit-ka ee mashruuca Maalgelinta Khatarta Musiibooyinka ee Afrika.
Kulankan waxaa si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta sinnaanta jinsiga iyo in si siman looga qaybgeliyo bulshada howlaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo maaraynta khataraha musiibooyinka.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta hay’dda SoDMA ayaa ku boorriyay ka-qeybgalayaasha in la adkeeyo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan, isla markaana la hubiyo in haweenka iyo bulshada nugul ay si buuxda uga faa’iideystaan mashaariicda ka hortagga iyo ka jawaabidda musiibooyinka.








0 Comments