Muqdisho, 21 Luulyo 2026 – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta xarunteeda dhexe ku qabatay shir ay la yeelatay Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU), jaamacadaha dalka iyo hay’adaha cilmi-baarista, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga qaran ee loogu diyaar-garowayo saameynta la filayo inay ka dhalato Super El Niño 2026.
Shirka waxaa lagu heshiiyay in jaamacadaha Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan abaabulka taageero dhaqaale, gurmad iyo isku dubbaridka tabaruceyaasha oo ay ku jiraan ardayda, macallimiinta iyo khubarada, waxaa doorkooda hoosta laga xariiqay faafinta fariimaha digniinta hore, wacyigelinta bulshada, iyo taageeridda howlaha qiimeynta iyo gurmadka marka loo baahdo.
Ugu danbeyn, dhinacyadu waxay isku raaceen in la diyaariyo qorshe-wadareed (Roadmap) qeexaya masuuliyadaha, jadwalka fulinta iyo habraacyada iskaashiga, iyadoo la sii xoojinayo cilmi-baarista, hal-abuurka, dhismaha awoodda iyo adkeysiga bulshada, si kor loogu qaado u diyaargarowga Soomaaliya ee khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo musiibooyinka.








0 Comments