Maanta waxaa Xarunta Tababarka Ururka Bisha Cas ee Shiinaha lagu soo gabagabeeyay tababar socday muddo saddex toddobaad ah oo ku saabsanaa u-diyaargarowga, ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka.
Tababarka waxaa ka qeyb galay Saraakiil katirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) oo ay wehliyaan xubno kasocday Wasaaradaha Gargaarka dowlad-goboleedyada. Xafladda xiritaanka waxaa goob-joog ka ahaa La-taliyaha Koowaad ahna Ku-xigeenka Madaxa Ergada Safaaradda Soomaaliya Beijing, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Kodar, iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee Shiinaha, Mr. Yin Zheng.
Ka qeybgalayaasha ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya inay si guul leh u dhammaysteen tababarka, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka bani’aadannimo.







0 Comments