Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Masiibooyinka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Khadar Sheekh Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar soconaya muddo shan maalmood ah oo ku saabsan falanqaynta dhaqaalaha qoysaska.
Tababarkan ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha ee ku aaddan qiimeynta xaaladda dhaqaale ee qoysaska, si loo helo xog sax ah oo lagu go’aaminayo heerka baahida qoysaska iyo kuwa mudan in la gaarsiiyo gurmadka bani’aadannimo.
Agaasime Khadar Sheekh Maxamed ayaa ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iideystaan tababarka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xogta saxda ah ee saldhigga u ah qorsheynta iyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.
Sidoo kale, Agaasimaha Mashaariicda ahna Kusimaha Madaxa Hay’adda IRC Xafiiskeeda Soomaaliya Md. Abukar Gacal ayaa munaasabadda ka jeediyay hadallo dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira asagoo adkeeyay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay tayeynta qiimeynta baahiyaha bulshada, wuxuuna ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si hufan uga faa’iideystaan fursaddan si ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.
Tababarkan waxaa taageeraya Hay’adda International Rescue Committee (IRC) Xafiiskeeda Soomaaliya, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha ka shaqeeya qiimeynta baahiyaha iyo maareynta khataraha masiibooyinka.








0 Comments