JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐭𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐤𝐚 𝐅𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐇𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐭𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay shir looga hadlayay u diyaar-garowga iyo ka hortagga fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan roobabka xilliga Deyrta.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA waxaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada digniinaha hore, qorsheynta wax ka qabashada fatahaadaha, iyo sidii loo heli lahaa sanduuq dhaqaale oo lagu taageero bulshada nugul ee ay saameyn karaan musiibooyinka dabiiciga ah.Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in qurbo-joogta iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaataan gurmadka iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyaan xaaladaha degdegga ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, deeq-bixiyeyaasha iyo dhammaan bah-wadaagta arrimaha bini’aadannimada si loo kordhiyo u-diyaargarowga iyo ka hortagga fatahaadaha, loona xaqiijiyo in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo bulshada ay khataruhu saameyn karaan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.