Deegaanka Teedaan oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, maalmahana uu ka socdo tuulooyinka ku xeeran howlgal ka dhan ah kooxaha argagixisada, ayaa maanta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA) bulshada ku nool deegaankan oo wajahaya xaalad adag waxa ay gaarsiisay deeq gargaar raashin ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu garab taagan yahay bulshada ay saameeyeen abaaraha.
Gargaarkan oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee raashinka ayaa waxaa ka faa’iideystay dad isugu jira barakacayaal, danyar, agoon iyo dad naafo ah.
Qaar kamid ah dadkii ka faa’iideystay deeqdan ayaa u mahadnaqay Hay’adda SoDMA.








0 Comments