Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed(SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirro ka tirsan Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo masuuliyiin kale.
Socdaalka Guddoomiyaha ayaa salka ku haya xoojinta diyaar-garowga iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo, gaar ahaan u-diyaargarowga saameynta la filayo ee Super El Niño, oo keeni kara roobab xooggan iyo fatahaado.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay madaxda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.








0 Comments