Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa xarunta Hay’adda ku qaabilay Madaxa Xafiiska UNFPA ee Soomaaliya, Mudane Judicael Elidje.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista musiibooyinka, nidaamyada digniinta hore, ilaalinta dadka nugul iyo diyaar-garowga xaaladaha la xiriira El Niño.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sheegay in SoDMA ay waddo tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo u-diyaargarowga musiibooyinka, kuwaas oo ay ka mid yihiin isku-dubbaridka hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadannimada, la socodka xaaladaha halista ah, diyaarinta qorshayaasha gurmadka iyo taageeridda bulshooyinka nugul.
Dhankeeda, UNFPA ayaa xaqiijisay diyaar-garowga kooxo caafimaad iyo agab muhiim ah, si adeegyada caafimaadka loo gaarsiiyo haweenka, carruurta iyo dadka barakacayaasha ah, haddii ay dhacaan xaalado degdeg ah.








0 Comments