Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa booqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo uu ku soodhaweeeyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Kulanka, oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Guud, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Arrimaha Gargaarka, Mudane Ibraahim Yarow Isaaq, ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Gargaarka Caafimaadka.
Dhinacyadu waxay si gaar ah uga wada hadleen u-diyaargarowga saameynta Super El Niño 2026, roobabka xooggan iyo fatahaadaha, iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga caafimaad, digniinaha hore iyo qorshayaasha gurmadka degdegga ah.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn iyo isku-duwid wanaagsan, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka loona ilaaliyo caafimaadka iyo badqabka bulshada Koonfur Galbeed.








0 Comments