Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kula kulmay Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobollada iyo Amniga.
Kulanka waxaa looga jawaabay weydiimaha xubnaha Guddiga ee la xiriiray xaaladaha gurmadka bani’aadannimo, abaaraha, iyo diyaar-garowga xaaladaha ka dhasha roobabka iyo fatahaadaha la xiriira El Niño.
Ugu danbeyn, Wasiir Xoosh ayaa ka warbixiyey diyaar-garowga Hay’adda SoDMA, awoodda maareynta xaaladaha degdegga ah iyo dadaallada lagu xoojinayo maaraynta howlaha bani’aadannimo ee dalka.








0 Comments