JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Saraakiisha SoDMA oo Shiinaha Ku Soo Gabagabeeyay Tababar Caalami ah oo Ku Saabsan U Diyaargarowga iyo Maareynta Musiibooyinka.

HomeNews Saraakiisha SoDMA oo Shiinaha Ku Soo Gabagabeeyay Tababar Caalami ah oo Ku Saabsan U Diyaargarowga iyo Maareynta Musiibooyinka.

Maanta waxaa Xarunta Tababarka Ururka Bisha Cas ee Shiinaha lagu soo gabagabeeyay tababar socday muddo saddex toddobaad ah oo ku saabsanaa u-diyaargarowga, ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka.

Tababarka waxaa ka qeyb galay Saraakiil katirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) oo ay wehliyaan xubno kasocday Wasaaradaha Gargaarka dowlad-goboleedyada. Xafladda xiritaanka waxaa goob-joog ka ahaa La-taliyaha Koowaad ahna Ku-xigeenka Madaxa Ergada Safaaradda Soomaaliya Beijing, Mudane Cabdisalaam Suleymaan Kodar, iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee Shiinaha, Mr. Yin Zheng.

Ka qeybgalayaasha ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin muujinaya inay si guul leh u dhammaysteen tababarka, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka bani’aadannimo.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.