JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐛𝐨𝐨𝐥𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛 𝐆𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐛𝐨𝐨𝐥𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐫𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka qeyb galay daah-furka shir heer sare ah oo lagu soo bandhigayay natiijooyinka Warbixinta Saboolnimada Carruurta Soomaaliyeed, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliya (SNBS).
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka socday dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo daryeelka bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo shirka ka hadlay, ayaa xusay in saboolnimada carruurta ay ka mid tahay caqabadaha waaweyn ee saameeya mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo xog sax ah oo lagu saleeyo qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada lagu yareynayo nuglaanta carruurta.
Ugu danbeyn, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan daneeyayaasha si loo xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nolosha carruurta Soomaaliyeed loona yareeyo saameynta saboolnimada iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee soo noqnoqda.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.