JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐨𝐨 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐮𝐫 𝐇𝐚𝐤𝐚𝐛𝐚.

HomeNews 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲 𝐨𝐨 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐮𝐫 𝐇𝐚𝐤𝐚𝐛𝐚.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo ku gaaray magaalada Buur Hakaba ee Gobolka Bay, si ay u qiimeeyaan xaaladda bani’aadannimada ee ka jirta degmada iyo baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada.

Wafdiga Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo masuuliyiin ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway.

Booqashadan ayaa ahayd tii 2-aad ee uu Guddoomiyahu ku tago degmada Buur Hakaba, taas oo ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee Hay’addu ugu jirto la socodka xaaladaha bani’aadannimo iyo dardargelinta gurmadka loo fidinayo bulshada ay saameeyeen abaaraha iyo duruufaha kale ee bani’aadannimo.

Intii ay booqashadu socotay, wafdigu waxa uu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka kala yimid 373 tuulo oo hoos yimaada Degmada Buur Hakaba, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan baahiyaha deegaanka iyo xaaladda bani’aadannimo, sidoo kale waxay kormeereen biyo-xireenka ugu weyn degmada oo u baahan dayactir degdeg ah si loo xoojiyo helitaanka biyaha loona yareeyo saameynta abaarta.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, waxuu sheegay in qiimeynta lagu sameeyay degmada ay muujisay baahiyo bani’aadannimo oo weli taagan, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dhammaan saaxiibbada bani’aadannimada si loo dardargeliyo gurmadka loona daboolo baahiyaha shacabka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.