JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐒𝐨𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐚𝐲.

HomeNews 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐒𝐨𝐨 𝐗𝐢𝐫𝐚𝐲.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Baydhabo ku soo xiray Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday beesha caalamka, hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, iyo ururrada bulshada rayidka ah. Intii uu shirku socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa dadaallada soo kabashada abaaraha, isla markaana loo xoojin lahaa u diyaar-garowga khataraha la xiriira El Niño 2026.

Ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen in mudnaanta la siiyo ka hortagga iyo u diyaar-garowga khataraha la saadaalinayo ka hor inta aysan dhicin, halkii laga sugi lahaa in wax laga qabto marka ay musiibooyinku dhacaan.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in hay’addu sii wadi doonto wacyigelinta bulshada iyo bixinta digniinaha hore ee la xiriira khataraha ka dhalan kara El Niño 2026, si loo yareeyo saameynta ay ku yeelan karto bulshada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyay Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed martigelinta shirka iyo doorkii uu ka qaadatay qabsoomidda Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.