JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐑𝐂𝐒 𝐨𝐨 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐤𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐮𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚.

HomeNews 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐑𝐂𝐒 𝐨𝐨 𝐍𝐚𝐢𝐫𝐨𝐛𝐢 𝐤𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐦𝐮𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚.

Nairobi – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya (KRCS), Dr. Ahmed Idris, ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee maareynta musiibooyinka.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya taageeridda bulshooyinka ku nool deegaannada xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la horumarinayo nidaamyada digniinta hore, falanqaynta khataraha, iyo wadaagga xogta la xiriirta cimilada iyo xaaladaha degdegga ah.

Sidoo kale, waxaa la isku afgartay xoojinta tababarrada gurmadka, kaydinta agabka gargaarka, iyo tayeynta awoodda kooxaha ka jawaaba xaaladaha degdegga ah, si loo dardargeliyo adeegyada bini’aadannimo.

Heshiiskan oo socon doona muddo saddex sano ah ayaa sidoo kale lagu adkaynayaa iskaashiga ku aaddan u-diyaargarowga, gurmadka bini’aadannimo iyo ka-soo-kabashada musiibooyinka, taasoo gacan ka geysan doonta yareynta saameynta xaaladaha degdegga ah.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa bogaadiyey heshiiska, isagoo sheegay inuu muhiim u yahay xoojinta wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Kenya, iyo badbaadinta nolosha dadka nugul ee ay saameeyaan musiibooyinka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.