Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.
Kulanka labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, wax ka qabashada baahiyaha ka jira deegaanada dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga khataraha la xiriira saadaasha El Niño ee laga cabsi qabo.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, waxuu Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uga warbixiyay dadaallada Hay’addu waddo, xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo warbixinadii ugu dambeeyay ee ku saabsan saadaasha El Niño iyo diyaar-garowga looga hortagayo saameynteeda.
Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan tan ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed. Wuxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la helo gurmad degdeg ah iyo diyaar-garow buuxa, maadaama deegaanada Koonfur Galbeed ay ku nool yihiin dad badan oo nugul, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah.
Ugu Danbeyn, Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay si buuxda ugu diyaar-garoobaan khataraha ka dhalan kara roobabka iyo daadadka la xiriira El Niño, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dadka ay ka fogaadaan goobaha ay biyuhu maraan iyo meelaha halista u nugul.







0 Comments