JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐅𝐨𝐠𝐚𝐚𝐧-𝐚𝐫𝐚𝐠 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐐𝐮𝐫𝐛𝐚-𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐅𝐨𝐠𝐚𝐚𝐧-𝐚𝐫𝐚𝐠 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐐𝐮𝐫𝐛𝐚-𝐣𝐨𝐨𝐠𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan dhinaca fogaan-aragga ah la yeeshay qurba-joogta Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayay Ururka Somali Global Diaspora (GSD).

Kulanka waxaa looga hadlay diyaar-garowga fatahaadaha la saadaalinayo inay ka dhashaan xaaladda El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka hore ee lagu yareynayo khasaaraha ka dhalan kara.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qaybqaataan dadaallada gurmadka iyo ka-hortagga fatahaadaha, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada gurmadka.

Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa dhankooda muujiyay diyaar-garowgooda ku aaddan inay kaalin ka qaataan taageeridda dadaallada gurmadka iyo wacyigelinta bulshada.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay qurba-joogta Soomaaliyeed garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyaan dalkooda.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.