Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa xarunta Hay’adda ku qaabilay xubno ka socday Ururka Gabdhaha Xirfadlayaasha Caafimaadka.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta ka-qaybgalka xirfadlayaasha caafimaadka ee gurmadka iyo wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah, gaar ahaan xilliga Deyrta oo fatahaado laga cabsi qabo.
Dr. Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda SoDMA waxuu xubnaha ururka ku boorriyey inay sii dardargeliyaan dadaallada samafalka iyo adeegga bulshada, isagoo uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay ka-qaybgalka gurmadka iyo badbaadinta bulshada.








0 Comments