Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha, Mudane Aadan Xasan Maxamed, ayaa xafiiskooda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirrada Gargaarka iyo Musiibooyinka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo xubno ka tirsan Guddiga El Niño ee Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda El Niño, saameynta ay ku yeelan karto bulshada, heerka diyaar-garowga iyo xoojinta wacyigelinta bulshada, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara roobabka iyo xaaladaha degdegga ah.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Golaha Wakiillada ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan gaarsiinta fariimaha digniinta iyo wacyigelinta bulshada ee ku nool dhammaan deegaanada Koonfur Galbeed, si loo yareeyo saameynta.








0 Comments