Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysatada Dalka, Mudane Xasan Maxamed Rooble, iyo masuuliyiin ka tirsan iskaashatada.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray u diyaar-garowga saameynta la saadaalinayo ee Super El Niño, gaar ahaan khataraha fatahaadaha, iyo doorka iskaashatada kalluumeysatada ay ka qaadan karto wacyigelinta, tababarrada iyo taageerada dadka loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan gurmadka iyo ka hortagga fatahaadaha.
Guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumeysatada Dalka, Mudane Xasan Maxamed Rooble, ayaa ballanqaaday in iskaashatadu ay si buuxda uga qeyb qaadan doonto dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga musiibooyinka, isla markaana ay gacan ka geysan doonto gurmadka marka ay musiibooyinku dhacaan, gaar ahaan deegaannada ku teedsan wabiyada iyo xeebaha dalka.
Ugu Danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in Hay’addu ay hirgelisay doonyo loogu talagalay goobaha ugu nugul fatahaadaha, si loogu adeegsado gurmadka iyo daad-gureynta dadka ay musiibooyinku saameeyaan. Wuxuu xusay in Iskaashatada Kalluumeysatada looga baahan yahay inay kaalin muuqata ka qaadato tababarrada iyo taageerada dadka ka shaqeyn doona doonyahaas, si loo xoojiyo awoodda gurmadka iyo badbaadinta bulshada.








0 Comments