Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh).
Booqashadan oo ahayd markii 2-aad ee Wasiirku uu ku yimaado xarumaha Hay’adda SoDMA Muddo kooban gudahood, waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha bani’aadantinimo, dhageysiga qorshaha diyaar-garowga Super El Niño iyo xoojinta isku-duwidda Hay’adda ee arrimaha maareynta musiibooyinka.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Wasiirka siiyay warbixin ku saabsan xaaladda bani’aadantinimo, howlaha gurmadka iyo qorshayaasha looga diyaar-garoobayo khataraha la xiriira Super El Niño. Sidoo kale, wuxuu Wasiirka ka codsaday in hay’adaha gargaarka loo oggolaado inay gaaraan dhamaan deegaannada dalka, gaar ahaan kuwa ay ka jiraan xaaladaha amni, si gargaar loo gaarsiiyo dadka ku nool deegaannada fogfog.
Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), ayaa bogaadiyay shaqada miro-dhalka ah ee ay Hay’adda SoDMA ka waddo dalka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la tixgeliyo lana raaco digniinaha iyo baaqyada Hay’adda SoDMA, si loo helo jawaab mideysan oo wax-ku-ool ah oo looga hortago loogana jawaabo khataraha musiibooyinka.








0 Comments