Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo xiray Kal-fadhigii 1-aad ee Shirka Qaran ee looga arrinsanayay Ka-hortagga Masiibooyinka Soomaaliya (Anticipatory Action).
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray hababka bulshadu hoggaaminayaan ee falalka ka-hortagga hore ee khataraha, kuwaas oo muhiim u ah dhismaha bulsho u adkeysata masiibooyinka soo noqnoqda ee dalka.
Waxaa ka qeyb galay Shirkaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’addaha dowladda, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, kuwaas oo door muuqda ku leh taageerada iyo dhismaha nidaamyada ka-hortagga masiibooyinka.
Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Masiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sh. Maxamed, oo shirka soo xiray, ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee uu socday shirku lagu falanqeeyay sida loo mideyn karo dadaallada ka-hortagga masiibooyinka, loo xoojin karo digniinta hore, isla markaana loo dhisi karo nidaam bulsho oo adkaysi u leh khataraha soo noqnoqda ee dalka.
Ugu Danbeyn waxa uu xusay in natiijooyinka shirka ay horseedayaan iskaashi xooggan oo u dhexeeya dowladda, bulshada iyo hay’adaha taageera.








0 Comments