Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-Muwalad.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Masuuliyiin kale labada dhinac waxay ka wada hadleen adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xoojinta iskaashiga dhanka amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada, iyo dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Sacuudi Carabiya ka taageerto Soomaaliya. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan gaarsiinta gargaarka bani’aadanimo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin ayaa kulanka kusoo bandhigay xaaladihii ugu dambeeyay ee abaarta iyo dadaallada Dowladda ee lagu badbaadinayo dadka nugul. Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuu caddeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah, isla markaana ay diyaar u yihiin kordhinta taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista maalgashiga Sacuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka.








0 Comments