Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa khudbad ka jeediyay munaasabadda xiritaanka tababarka oo ay ka qayb galeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, wakiillo ka socday hay’adaha xuquuqda aadanaha, iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in hay’adda SoDMA ay tahay Hey’adda ugu horreysa ee dowladeed ee gaarta goobaha la xoreeyo, si loo bixiyo gargaar degdeg ah, loona dhiso kalsoonida shacabka, ayadoo la isku duwayo howlaha bini’adanimo ee hay’adaha gargaarka iyo kuwa ka shaqeya horumarinta.
Gudoomiyaha hey’adda Maareynta masiibooyinka Maxmuud Macalin wuxuu sidoo kale sheegay iney muhiim tahay in iskaashi lala yeesho Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adaha amniga si loo hubiyo gaarsiinta gargaarka iyo in la helo xog sax ah oo ku saabsan baahiyaha bulshada.
Ugu danbeyn Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqay in la sii xoojiyo wada shaqeynta dowladda, hay’adaha caalamiga ah, bulshada rayidka ah iyo la hawlgalayaasha kale, si loo soo celiyo xasilloonida, loo soo nooleeyo dhaqaalaha maxalliga ah, loona dhiso saldhig nabad waarta oo Soomaaliya ah ka hirgasha.








0 Comments