JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Guddoomiyaha SoDMA oo Qaabilay SDRN, Loogana Hadlay Doorka Qurba-joogta ee Gurmadka iyo Diyaar-garowga Super El Niño.

HomeNews Guddoomiyaha SoDMA oo Qaabilay SDRN, Loogana Hadlay Doorka Qurba-joogta ee Gurmadka iyo Diyaar-garowga Super El Niño.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiska Hay’adda ku qaabilay mas’uuliyiin ka socday Ururka Somali Diaspora Returnees Network (SDRN).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan saameynta la filayo ee Super El Niño, iyo sidii qurba-joogta Soomaaliyeed ay door weyn uga qaadan lahaayeen gurmadka iyo diyaar-garowga dalka. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo iyo nololeed oo loogu talagalay dadka qurbaha laga soo celiyo, si gacan looga geysto yareynta shaqo la’aanta dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa bogaadiyey garab-istaagga qurba-joogta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay sii xoojiyaan kaalintooda, isla markaana ay buuxiyaan kaalintii taageerada caalamiga ahayd ee hoos u dhacday, si loo xoojiyo gurmadka iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.