Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa degmada Bardaale ee gobolka Bay ka sameysay wacyigelin ku saabsan diyaar-garowga iyo yareynta saameynta Super El Niño.
Wacyigelinta ayaa bulshada lagu gaarsiiyey macluumaad ku saabsan khataraha laga filayo roobabka iyo fatahaadaha, iyo tallaabooyinka ay qaadi karaan si ay uga sii diyaar garoobaan.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Hay’adda SoDMA ee lagu xoojinayo digniinta hore, diyaar-garowga iyo badbaadinta bulshada.









0 Comments