Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusay 15 sano guuradii xiriirka iskaashiga diblumaasiyadeed iyo walaaltinnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ka qeyb galay dood looga hadlayay xiriirka labada dal, ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga. Waxa uu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Turkiga ka qaadato qorshayaasha Soomaaliya ee maareynta musiibooyinka, gurmadka iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo.
Guddoomiyaha SoDMA, ayaa dowladda Turkiga ka codsaday in xilligan ay door muuqda ka qaadato gurmadka iyo wax ka qabashada baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira dalka, isagoo xusay in Turkigu ay Soomaaliya garab istaagtay oo ay taageero iyo gargaar u fidisay xilliyo ay dalka ka jireen abaaro iyo xaalado bani’aadannimo oo saameeyay bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ay siiso shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinnimo ee labada dal.








0 Comments