JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY’ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyee oo uu Wehliyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ku booqday dhaawacyada geesiyaasha qaranka

Bogga HoreWararka Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyee oo uu Wehliyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ku booqday dhaawacyada geesiyaasha qaranka

April 24, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Agaasimaha Caafimaadka Hay’adda SoDMA, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ku booqday dhaawacyada geesiyaasha qaranka ee maanta Argagaxisada ku jabiyay dagaallo ka dhacay degaannada Wargaadhi iyo Labi-goley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha oo xubin ka ah Guddiga Qaran ee Taakuleynta Dagaalka lagula jira kooxaha Khawaarijta ayaa Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Md. Saadaam Cabdullaahi Cismaan ku wareejiyay daawooyinka gargaarka degdegga ah iyo gaari Aambalaas ah oo loogu tala-galay in loogu adeeego ciidanka qaranka iyo geeshiyaasha u taagan dib u xoreynta dalka.

Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, ayaa ammaanay doorka naf-hurnimo ee ciidamadu ku muujinayaan furimaha hore ee dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen la-dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda ay ka go’an tahay xoojinta adeegyada iyo daryeelka ciidanka geesiyaasha ah ee ku jira howlgalka ciribtirka Argagaxisada iyo nabadeynta waddanka

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.