FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA SOMALIA DISASTER MANAGEMENT AGENCY- SoDMA

Follow us on :

FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA SOMALIA DISASTER MANAGEMENT AGENCY- SoDMA

SoDMA Commissioner Launches Cash Assistance Project Supporting 130 Vulnerable Orphan Families

HomeNews SoDMA Commissioner Launches Cash Assistance Project Supporting 130 Vulnerable Orphan Families

August 29, 2026

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐓𝐚𝐚𝐤𝐮𝐥𝐞𝐲𝐧 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐋𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝟏𝟑𝟎 𝐐𝐨𝐲𝐬 𝐨𝐨 𝐀𝐠𝐨𝐨𝐧 𝐃𝐚𝐧𝐲𝐚𝐫 𝐚𝐡.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah, si looga caawiyo daboolidda baahiyahooda nololeed ee aasaasiga ah.
Mashruucan waxaa taageeraya Hay’adda IHH ee dalka Turkiga, oo muddo dheer ka shaqaynaysay arrimaha bani’aadannimada iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha IHH iyo barnaamijyada lagu daryeelo Agoonta iyo carruurta nugul, isagoo bogaadiyay dadaallada hay’addu ku bixiso garab istaagga dadka danyarta ah iyo kuwa nugul.
Ugu danbeyn, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Hay’adda IHH, dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha samafalka si taageero loo gaarsiiyo dadka u baahan.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.