JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐮 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐃𝐞𝐠-𝐃𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐩𝐞𝐫 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐲𝐝𝐡𝐚𝐛𝐨 𝐤𝐮 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐃𝐞𝐠-𝐃𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐔-𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐮𝐩𝐞𝐫 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa magaalada Baydhabo kulan deg-deg ah kula yeeshay hay’adaha gargaarka iyo samatabbixinta.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray u-diyaargarowga Super El Niño 2026, gaar ahaan khataraha fatahaadaha iyo roobabka xooggan, iyo tallaabooyinka hore ee lagu yareyn karo saameyntooda.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta iskaashiga, isku-duwidda howlaha bani’aadannimo, diyaarinta gurmadka iyo mudnaanta la siinayo bulshada ku nool goobaha halista ah.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa adkeeyay muhiimadda digniinaha hore, wacyigelinta bulshada iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo kuwa gargaarka si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara Super El Niño 2026.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.