Muqdisho, Soomaaliya: Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, iyo Madaxa Hay’adda DRC ee Soomaaliya, Filip Lozinski, ayaa magaalada Muqdisho si wadajir ah uga daah-furay Hindisaha AHEAD (The AHEAD Initiative), oo diiradda saaraya xoojinta saadaasha iyo odoroska hore ee khataraha musiibooyinka keeni kara barakaca khasabka ah.
Hindisaha AHEAD ayaa muhiimad gaar ah siinaya aqoonsiga, saadaalinta iyo fahamka hore ee khataraha iyo saameynta musiibooyinka, si hay’adaha ay khuseyso ay u helaan fursad ay ku qaadaan tallaabooyin wax-ku-ool ah oo ku aaddan diyaar-garowga, ka-hortagga iyo yareynta saameynta musiibooyinka, ka hor inta aysan xaaladuhu isu beddelin musiibooyin waaweyn iyo barakac baahsan.
Munaasabadda daah-furkeda, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee SoDMA, Mudane Khadar Sheekh Maxamed Nuur, ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin iyo wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.
Ka qeybgalayaasha ayaa kulanka ku xoojiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada lagu horumarinayo maareynta khataraha musiibooyinka, gargaarka bani’aadannimo, xal u helidda barakaca iyo dhisidda adkeysiga bulshada, iyadoo la adeegsanayo xog, saadaal iyo digniino hore oo la isku halleyn karo.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa sheegay in Hindisaha AHEAD uu door muhiim ah ka qaadanayo xoojinta diyaar-garowga iyo saadaasha hore ee khataraha musiibooyinka, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maalba iyo saameynta bani’aadannimo ee ka dhalan karta musiibooyinka.
Dr. Axmed ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga, xog-wadaagga iyo qaadista tallaabooyin hore oo ku saleysan saadaasha, si loo ilaaliyo bulshada nugul loona yareeyo khataraha ka dhalan kara musiibooyinka iyo barakaca khasabka ah.








0 Comments