Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa daahfurtay mashruuc lagu gaarsiinayo gurmad caafimaad deegaannada dalka ee la filayo inay saameeyaan fatahaadaha ka dhasha roobabka la xiriira El Niño.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah dadaallada SoDMA ay ku xoojinayso u-diyaargarowga, ka hortagga iyo yareynta saameynta fatahaadaha laga cabsi qabo inay saameeyaan deegaanno ka tirsan dalka.
Mashruuca ayaa si rasmi ah looga bilaabay degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu wareejiyey shixnad dawooyin ah oo loogu talagalay xoojinta adeegyada caafimaad ee bulshada ku nool deegaanka.
Shixnadda dawooyinka ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay maamulka Isbitaalka degmada Janaale, iyadoo uu ku wareejiyey Agaasimaha Caafimaadka ee SoDMA, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed.








0 Comments