Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo ku guda jira safarkiisii shaqo ee ku aaddanaa hoggaaminta iyo u diyaar-garowga xaaladda Super El Niño, ayaa xalay kulan casho sharaf iyo is-xog-wareysi ah magaalada Beledweyne kula yeeshay dhalinyarada hal-doorka u ah bulshada Gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Maxamuud Macalin waxuu casho sharaftan ku maamuusay dhalinyarada Hiiraan, wuxuuna uga mahadceliyay soo dhaweyntii diiranayd ee ay u fidiyeen iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan yareynta khataraha musiibooyinka ee deegaanka ka dhaca.
Intii uu kulanku socday, guddoomiyaha ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay in ay dhaxda u xirtaan hawlaha samata-bixinta iyo ka hortagga dhibaatooyinka laga cabsi qabo inay ka dhashaan fatahaadaha, isagoo si cad u ballanqaaday in Hay’adda SoDMA ay si buuxda u garab taagan tahay dadka reer Beledweyne iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.








0 Comments