Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Mudane Jan Egeland, oo horey u soo noqday Xoghayaha Dawladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadantinimada iyo Isku-duwaha Gurmadka Degdegga ah.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khatarta Super El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka.
Jan Egeland ayaa kormeeray xafiisyada iyo howlaha Xarunta SoDMA, isagoo kuur-galay hawlaha Hay’adda ee digniinta hore, gurmadka degdegga ah iyo adkeysiga bulshada.
NRC ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka iyo taageerada bulshada nugul.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa bogaadiyay booqashada Jan Egeland, isagoo xusay in xoojinta iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah ay muhiim u yihiin gurmadka dadka Soomaaliyeed ee wajahaya dhibaatooyinka bani’aadantinimo.








0 Comments