JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka Daahfuray Mashruuca IMPAACT ee Xoojinta Digniinaha Hore.

HomeNews Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ka Daahfuray Mashruuca IMPAACT ee Xoojinta Digniinaha Hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho ka daahfuray Mashruuca IMPAACT, oo lagu xoojinayo digniinaha hore, saadaasha khataraha iyo tallaabooyinka hore ee looga hortagayo saameynta musiibooyinka.

Shirka Waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday DG ECHO, ICPAC, ACF iyo SCAP, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo bah-wadaagta bani’aadantinimada iyo horumarinta.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso abaaro, fatahaado, barakac, cunto yari iyo saameynta isbeddelka cimilada, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in laga gudbo ka jawaabista musiibooyinka oo keliya, loona gudbo saadaalinta khataraha iyo qaadista tallaabooyin hore, ka hor inta aysan saameyntu sii xumaan.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Waxa uu xusay in Hay’adda SoDMA ay ka go’an tahay hoggaaminta, hagidda iyo isku-duwidda mashruuca, si loo xoojiyo awoodda qaranka, loona hubiyo in xogta khataraha, digniinaha hore iyo saadaasha si wax-ku-ool ah loogu adeegsado ilaalinta bulshada nugul iyo hab-nololeedkooda.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.