JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐥𝐚𝐧 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐚𝐪 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐛𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.

HomeNews 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏𝐥𝐚𝐧 𝐈𝐧𝐭𝐞𝐫𝐧𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧𝐚𝐥 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐚𝐪 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐛𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay Reena Ghelani, oo ah Madaxa Hay’adda Plan International.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, iyadoo si gaar ah looga hadlay deegaannada ay weli ka jiraan abaaraha, saadaasha roobabka El Niño oo muujinaysa halis sii kordheysa, iyo khatarta ayaxa oo laga cabsi qabo inuu dalka ka dillaaco marka ay dhammaadaan roobabka El Niño.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada gurmadka iyo horumarinta u diyaargarowga masiibooyinka, si loo yareeyo saameynta ay ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso baahiyo bani’aadannimo oo baaxad leh, isagoo ugu baaqay bahwadaagta caalamiga ah inay sii xoojiyaan taageerada ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Reena Ghelani ayaa sheegtay inay booqatay deegaanno ay saameeyeen dhibaatooyinka bani’aadannimo sida Magaalada baydhabo,isla markaana ay indhaheeda ku soo aragtay baahiyaha taagan. Waxay xustay in loo baahan yahay gurmad degdeg ah si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.