JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Follow us on :

JAMUURIYADDA FEDARAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA SOOMAALIYEED- SoDMA

Hay’adda SoDMA oo Daah-furtay Shir Wadatashi Qaran oo Lagu Xoojinayo U-diyaargarowga Super El Niño iyo Doorka Ururrada Haweenka.

HomeNews Hay’adda SoDMA oo Daah-furtay Shir Wadatashi Qaran oo Lagu Xoojinayo U-diyaargarowga Super El Niño iyo Doorka Ururrada Haweenka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan “U-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada ay Haweenku Hoggaamiyaan.”

Shirka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga dalka ee khataraha ka dhasha roobabka Super El Niño, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay doorka ururrada haweenka ee ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka.

Waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda iyo Deegaanka, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Haweenka, culimada Soomaaliyeed, iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka ee ka kala yimid dhammaan gobollada dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in iskaashiga dowladda, ururrada haweenka iyo bulshada uu muhiim u yahay dhismaha bulsho u adkaysata saameynta isbeddelka cimilada, isagoo ku baaqay in la mideeyo dadaallada lagu xoojinayo u-diyaargarowga iyo yaraynta khataraha musiibooyinka.

Shirkaan ayaa la filayaa inuu ka soo baxo talooyin iyo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu xoojinayo ka-qaybgalka haweenka iyo diyaar-garowga qaranka ee Super El Niño.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Upcoming Events

Our Events And Conferences Calendar

Our events and conferences calendar is designed to keep you informed about a wide array of opportunities

Updated regularly, it features upcoming seminars, workshops, trade shows, and networking events across various sectors. Whether you're looking to gain insights from keynote speakers, participate in interactive sessions, or connect with professionals in your field, our calendar provides all the details you need to plan your attendance.