Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jiraha Hay’addaha caafimaadka dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si loo xoojiyo u-diyaargarowga saameynta caafimaad ee ka dhalan karta fatahaadaha la saadaaliyay inay ku dhuftaan qaybo ka mid ah dalka ee Super El Niño
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo dejinta hannaan mideysan oo lagu gaarsiinayo gurmad caafimaad oo degdeg ah deegaannada la filayo inay fatahaaduhu saameeyaan.
Madaxa Mashaariicda Hay’adda SoDMA, Dr. Ismaaciil Jimcaale, ayaa sheegay in kulankan uu muhiim u yahay xoojinta isku-dubbaridka bahda caafimaadka iyo u-diyaargarowga wax ka qabashada saameynta caafimaad ee ka dhalan karta fatahaadaha la saadaaliyay.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, Dr. Luul Maxamed Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Midowga Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay, Dr. Maxamed Cabdullaahi Galadiid, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo gurmad caafimaad oo degdeg ah iyo u-diyaargarow wax ku ool ah marka ay dhacaan xaaladaha degdegga ah.
Kulankan wuxuu qeyb ka yahay Shirar Kala duwan oo ay SoDMA ku dardargelineyso u-diyaargarowga iyo ka hortagga saameynta Super El Niño, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso si loo yareeyo khataraha ka dhasha fatahaadaha.







0 Comments