Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Khaalid, iyo saraakiil uu hoggaaminayay.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hay’adda SoDMA iyo Ciidamada Xoogga Dalka, u diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha la saadaalinayo inay dalka soo wajahaan, gaar ahaan saameynta roobabka El Niño, iyo sidii loo dardargelin lahaa gurmadka degdegga ah, samatabbixinta iyo gaarsiinta gargaarka bulshada ay musiibooyinku saameeyaan.
Kulanka kaddib, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Taliyaha Ciidamada Lugta ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta, iyagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si kor loogu qaado u diyaar-garowga iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee dalka ka dhasha.








0 Comments