Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo ka daah-furay Shirka Arrimaha Bini’aadannimadda (CHF), oo diiradda lagu saarayo soo kabashada abaaraha dalka iyo u diyaargarowga khataraha El Niño 2026.
Shirkan waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka socda beesha caalamka, hay’adaha Qaramada Midoobay, ururrada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidoo kale ururrada bulshada rayidka ah.
Hoggaamiyuhu wuxuu si qoto dheer uga hadlay xaaladda Bini’aadannimo dalka, gaar ahaan saameynta musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, fatahaadaha iyo daadadka, isagoo xusay in saadaasha El Niño 2026 ay horseedi karto caqabado cusub.
Waxa uu sheegay in gobollada Koonfur Galbeed ay ka mid yihiin meelaha sida aadka ah ay u saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo, isla markaana qaar ka mid ah deegaanada ay dadka ku nool u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Ugu dambayn, Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ka hortagga musiibooyinka ka hor inta aysan dhicin, halkii kaliya laga jawaabi lahaa marka ay dhacaan.
#SooKabashadaAbaaraha #ElNino2026 #Somalia #Baydhabo #CHF2026








0 Comments