Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Somaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay tababar loogu talagalay shaqaalaha Hay’adda, kaas oo ku saabsanaa ka hortagga ku-tagrifalka gargaarka bani’aadannimo iyo xoojinta isla-xisaabtanka.
Tababarka waxaa diiradda lagu saaray fahamka khataraha, ka hortagga iyo yareynta saameyntooda, iyo xaaladaha cadaadiska lagu saari karo dadka ka faa’iideysanaya gargaarka.
Dr. Ismail Jimale, Madaxa Horumarinta Barnaamijyada ee SoDMA, ayaa si rasmi ah u furay tababarka. Intii uu socday waxaa la bixiyay casharro muhiim ah oo ku saabsan ka hortagga ku-tagrifalka gargaarka, iyadoo sidoo kale la qabtay dooddo kooxeed iyo dood guud oo lagu falanqeeyay nidaamyada kormeerka iyo qiimeynta barnaamijyada bani’aadannimo.
Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa tababarka Agaasimaha Tababarka iyo Awood-dhiska SoDMA, Mudane Maxamed Xirsi, waxaana casharrada bixinayay khubaro uu hoggaaminayay La-taliye Maxamed Maalim Xasan.








0 Comments