JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAYโ€™ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

Nala Soco :

JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA HAY'ADDA MAAREYNTA MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š.

Bogga HoreWararka ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐๐š๐ซ๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐จ๐›๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hayโ€™adda ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee Horumarinta iyo Arrimaha Biniโ€™aadannimada, Mr. George Conway.

Kulanka labada dhinac waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha abaareed ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo dadka nugul ee ay saameeyeen abaaruhu.

Kulanka kadib, labada dhinac ayaa qabtay shir jaraaโ€™id oo wadajir ah, kaas oo ay kaga hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee abaaraha dalka iyo dadaallada socda ee lagu taageerayo dadka ay saameeyeen.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa sheegay in loo baahan yahay midnimo iyo wadajir si looga gudbo xaaladda abaareed ee dalka, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha biniโ€™aadannimo,

Sidoo kale, waxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la helo dhaqaale si loo xoojiyo howlaha gurmadka biniโ€™aadannimada, isagoo xusay in qaabkii gargaarka caalamiga ah loo bixin jiray uu isbeddelay 18-kii bilood ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhinaca deeq bixiyeyaasha.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hayโ€™adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay James Swan booqashadiisa, isagoo xusay in abaaruhu ay ku sii fidayaan gobollo badan oo dalka ah, islamarkaana waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada inay door muhiim ah ka qaataan gurmadka dadka ay saameeyeen abaaruhu.

0 Comments

Submit a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Emergency

Fo Emergency Services

In case of a an emergency situation, please dial the numbers given, relevant authorities will quickly answer to and attend to your needs.

123

Somali Police

442

National Emergency

567

Fire Fighters
Dhacdooyinka soo socda

Kalandarka Dhacdooyinka iyo Shirarka

Dhacdooyinka iyo jadwalka shirarka waxaa loogu talagalay in aad kula socoto fursado badan oo kala duwan

Halkaan waxaan ku soo bandhignaa siminaarada soo socda, aqoon-is-weydaarsiyo, bandhigyo ganacsi, iyo dhacdooyinka isku xidhka ee qaybaha kala duwan, tani oo aan si joogto ah uqabano. Haddii aad dooneyso inaad fikrado ka hesho quburo, ka qayb-qaadato kulammo is dhexgal ah, ama aad la xidhiidho xirfadlayaal, kalandarkeena wuxuu ku caawinyaa dhammaan faahfaahinta aad u baahan tahay si aad u qorshayso imaanshahaaga.