Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya, iyo Crispen Rukasha, Madaxa Xafiiska UN OCHA ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo iyo diyaarargarowga khatarta roobabka xooggan iyo fatahaadaha la xiriira Super El Niño, iyadoo si gaar ah looga hadlay halista fatahaadaha wabiyada, maadaama ay jiraan ifafaalo muujinaya kororka biyaha iyo khatarta fatahaadaha ee deegaano dhowr ah.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xoojinta digniinaha hore, gurmadka degdegga ah iyo isku-duwidda dowladda iyo saaxiibbada bani’aadannimada, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha, loona xaqiijiyo in taageeradu waqtigeeda gaarto dadka nugul ee khatarta ku jira.
Ugu dambeyn, kulanka waxaa looga hadlay saameynta uu dagaalkii maanta ka dhacay Buurhakaba ku yeelan karo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo dadka ay dhibaatooyinku saameeyeen.









0 Comments