Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ku soo xiray Meertada 3-aad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026), kaas oo Sanadkaan Hal-ku-dhiggiisu ahaa“Ka Gudbidda Aafooyinka Soo Noqnoqda una Gudbidda Adkeysi Waara oo Soomaaliya u Horseeda Mustaqbal Wanaagsan iyo Soo Kabasho Waarta.”
Shirweynaha oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Hay’adda SoDMA iyo Jaamacadda Muqdisho, intii uu socday waxaa ka qayb galay wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada, culimada iyo khubaro ka shaqeeya maareynta musiibooyinka.
Shirweynuhu wuxuu xoogga saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dhinacyada kala duwan, horumarinta digniinta hore iyo u-diyaargarowga musiibooyinka, iyo hirgelinta tallaabooyin lagu yareynayo saameynta aafooyinka soo noqnoqda, laguna dhisayo u adkaysiga iyo soo kabashada waarta ee bulshada Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa adkeeyay doorka ay leedahay iskaashiga jaamacadaha, cilmi-baarayaasha iyo hay’adaha dowladda si loo helo xalal waara oo lagu maareeyo aafooyinka, laguna xoojiyo adkaysiga bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, waxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in qodobada wax-ku-oolka ah ee ka soo baxay shirweynaha loo beddelo waxqabad muuqda oo tusaale u noqda shirarka soo socda, si loo helo xalal waara oo ku saleysan cilmi-baaris, aqoon iyo waayo-aragnimo.
#SoDMA #SDRC2026 #Resilience #Soomaaliya








0 Comments